Kenya iyo India oo xoojinaya xiriirka ka dhexeya

0
236

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka dhaqaale ee Kenya kala dhexeya wadanka India.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir dhow oo soo jireen ah oo soo billowday qarnigii 18-aad.
William Ruto ayaa India ku joogo booqasho rasmi oo labo cishe ah.
Waxaa uu xusay in dowladahan ay daneynayaan sare u qaadidda iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, caafimaadka, waxbarashada , dhaqaalaha casriga ah , cilmi baarista , wax soo saarka beeraha iyo kuwo kale.
Madaxweyne William Ruto ayaa agaasimaha guud ee bangiga Exim ee India ,Harsha Bangari kala hadlay sidii xarunta dhexe ee bangiga ee gobolka looga hirgelin lahaa magaalada Nairobi.
Waxaa uu tilmaamay in tani ay muhiim u tahay kobaca dhaqan-dhaqaale ee dalka.
William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay soo jiidanaysa maalgashatada daafaha caalamka si ay qayb uga noqdaan qorshaha horumarka dhaqaalaha ee ku saleysan in laga soo billaabo meel hoose oo la taageero ganacsatada yaryar.
Sidoo kale madaxweyne Ruto ayaa goobjoog u ahaa madal lagu saxiixayay heshiis iskaashi oo ay yeelanayaan jaamacadda Open University of Kenya iyo midda Indira Gandhi National Open University (IGNOU) ee dalka India.

Heshiiskan ayaa ah mid la doonayo in lagu xoojiyo kaabayaasha tiknolojiyadeed.