Kenya, Britain iyo Maraykanka oo xoojinaya iskaashiga la-dagaallanka argagixisada

0
19

Kenya, Britain iyo Maraykanka ayaa xoojinaya wadaagista xogaha sirdoonka iyo qorsheynta hawlgallada wadajirka ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyadoo ay sii kordhayaan isbeddellada amni ee gobolka.
Iskaashigan ayaa lagu muujiyay booqasho uu Wakiilka Sare ee Britain u qaabilsan Kenya, Matthew Baugh, ku tegay xarunta isku-dubaridka hay’adaha amniga ee Manda, halkaas oo lagu qiimeeyay doorka xaruntu ku leedahay taageeridda hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee hoos yimaada hawlgalka Amani Boni.
Baugh, oo ay weheliyeen ku-xigeenkiisa Barnett iyo la-taliyaha difaaca Britain, Sareeye Guuto Olly Bryant, ayaa warbixin ka helay awoodaha hawlgal ee xarunta iyo kaalinta ay ku leedahay hawlgallada amniga ee ku salaysan xogaha sirdoonka.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray isku-geynta xogaha sirdoonka, wadaagista xogaha waqtiga-dhabta ah iyo isku-duwidda hay’adaha amniga, si loo wanaajiyo jawaabaha laga bixiyo khataraha argagixisada.
Ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay in iskaashiga saddex-geesoodka ah uu muhiim u yahay xoojinta amniga gobolka iyo isku-dubbaridka hawlgallada ka dhanka ah argagixisada.
Matthew Baugh ayaa ammaanay iskaashiga amni ee saddexda dal, isaga oo sidoo kale xaqiijiyay sida ay Britain uga go’an tahay taageeridda iyo xoojinta awoodaha xarunta, si ay ula jaanqaaddo baahiyaha hawlgallada gaarka ah.
Dhanka kale, taliyaha hawlgalka Amani Boni, Sareeye Guuto Meshack Kishoyan, iyo taliyaha xarunta isku-dubaridka, Gaashaanle Dhexe Ronald Magut, ayaa sheegay in xaruntu gacan ka geysanayso hagaajinta xog-ogaalnimada amni, wadaagista sirdoonka iyo qorsheynta hawlgallada wadajirka ah.
Ciidamada Difaaca Kenya ayaa carrabka ku adkeeyay in sii wadista wada-shaqeynta sirdoonka iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ay muhiim u yihiin la-dagaallanka argagixisada, ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.