DHEGEYSO:Kindiki oo u digay qandaraaslayaasha ku fashilma mashaariicda dowladda

0
22

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, Kithure Kindiki, ayaa uga digay qandaraaslayaasha ku guuldarreysta dhammaystirka mashaariicda dowladda ee loo igmaday, isaga oo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Kindiki ayaa sheegay in qandaraaslayaasha aan gudan waajibaadkooda ay wajihi karaan xarig iyo dacwad maxkamadeed.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa digniintan soo saaray xilli dowladda Kenya ay xoogga saareyso xaqiijinta in mashaariicda horumarineed ee qandaraaslayaasha loo dhiibay lagu fuliyo waajibaadkii lagu heshiiyay.