Kalonzo oo maxkamadda u gudbiyay dacwad lagu joojinaayo iibka saamiga Safaricom

0
40

Hoggaamiyaha Xisbiga Wiper, Kalonzo Musyoka, ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad uu ku doonayo in lagu joojiyo qorshaha dowladda ee iibinta 15 boqolkiiba saamiga ay ku leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom, kaas oo lagu wado in laga iibiyo shirkadda Vodacom ee dalka Koonfur Afrika.
Kalonzo ayaa codsaday in Maxkamadda Sare ay soo saarto amar ku meel gaar ah oo hakad gelinaya heshiiskaas ilaa laga go’aaminayo sharciyaddiisa. Waxaa uu sheegay in hannaanka iibinta uu ka hor imanayo dastuurka, isla markaana uu dhaawacayo danaha guud.
Dacwaddiisa ayuu ku sheegay in dowladda aysan si buuxda u fulin ka qaybgalka dadweynaha, sida uu dhigayo Dastuurka dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in Baarlamaanka iyo shacabka aan si ku filan loo wargelin ama loo la tashan.
Qareenkiisa, Vincent Lempaa, ayaa sheegay in habka heshiiska uu ahaa mid aan daah furnayn, isla markaana uusan buuxin heerarka isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga. Kalonzo ayaa ku adkeystay in haddii iibka uu sii socdo uu keeni karo khasaare hantiyeed oo aan dib loo soo celin karin, isagoo ugu baaqay maxkamadda inay si degdeg ah u farageliso.