Kalonzo oo ka falceliyay hadal uu jeediyay madaxweynaha dalka

0
487

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada waxaa uu uga jawaabay hadal uu jeediyay madaxweynaha dalka William Ruto.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa dhawaan sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka aynan lahayn wax qorsho ah oo ay la wadaagi karaan shacabka.
Waxaa uu ku eedeyay in ay keliya ku mashquulsan yihiin oo ay mar kasta hadal hayaan in William Ruto uunan mar kale dalka hoggaamin doonin.
Ruto ayaa sheegay inuu waqti xaadirkan u baahan yahay in fursad loo siiyo u adeegidda shacabka oo sanadka 2027-da kula xisaabtami doono waxqabadkiisa.
Hasa ahaate, Mr. Musyoka ayaa xusay inuu hadda ku maqan yahay qurbaha oo uu si istaraatiiji ah u soo qorsheynaya wanaajinta Kenya.
Waxaa uu intaasi raaciyay inuu qorshihiisa u bandhigi doono dadweynaha si ay u qiimeeyaan.
Kalonzo ayaa tilmaamay in ajeendahooda koowaad uu yahay in Ruto uu xafiiska banneeyo.