Kal-fadhiyada baarlamaanka iyo aqalka sare oo maanta dib u furmaya

0
616

Xubnaha golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare ayaa maanta dib u billaabanaya kal-fadhiyadoodii caadiga ahaa.
4-tii bishan ayay ahayd markii xildhibaannada baarlamaanka ay fasax kooban galeen halka senatarrada ay nasashadooda billaabeen 11-kii Maarso.
Kal-fadhiga maanta ayaa noqonaya mid ay labo kale ka sii dambeyn doonaan ka hor inta aan golayaasha xeer dejinta ee wadanka la jabin 10-ka bisha 6-aad ee sanadkan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay Kenya ka dhacdo doorasho guud oo hoggaamiyeyaal cusub lagu soo dooranaya ama qaar ka mid ah kuwa hadda xilalka haya ay jagooyinkooda ku difaacan karaan .