Weerarro ay Israa’iil ka fulisay guud ahaan Qaza ayaa maanta dilay ugu yaraan 18 qof, oo ay ku jiraan carruur.
Afhayeenka Ururka Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in maanta la joojiyay ka saarista bukaannada iyo dhaawacyada ee loo marayay xadka Rafah.
Dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ka wado Qaza ayaa ilaa Oktoobar 2023 dilay ugu yaraan 71,803 qof, halka 171,575 kalena ay ku dhaawacmeen.




