Ciidamada Israa’iil ayaa xalay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale go’doon lagu soo rogay Qaza oo aan halkaasi la geyn karin cuntooyinka iyo shidaalka.
Ilaa iyo hadda waxaa weerarrada Xamaas Israa’iil looga dilay in ka badan 900 oo qof.
Dhanka Falastiin, dhimashada waxay maraysa 704 qof oo ay ka mid yihiin 143 carruur iyo 105 oo haween ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in 4,000 qof oo dheeraad ah ay dhaawacmeen.




