Waxaa la xaqiijiyay in ilaa 100 ruux ay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ku dhinteen duqeymaha militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu senatarrada Maraykanka u sheegay in ay duullaanka sii wadi doonaan ilaa iyo inta si buuxda looga guulaysanaya ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 31,923 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 74,096 kale.




