Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa shaaca ka qaadday in weerarrada ay Israa’iil ka wado gudaha Qaza ay hal maalin gudaheeda ku dhinteen ilaa 100 qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa duqeymaha ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale.
Ugu yaraan 19,667 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa weerarrada Israa’iil ee Qaza lagu dilay tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan.
Dhanka kale tirada ay Israa’iil sheegtay in looga dilay weerarkii ururka Xamaas ee 7-dii Oktoobar ee sanadkan ayaa ah ku dhawaad 1,140.




