Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa kulanka wasiirrada ee maanta ka sheegay in aynan oggolaan qorshaha nabadda ee ka kooban ilaa 15 qodob ee uu hoggaaminaya Maraykanka.
Nidaamkan ayaa lagu doonaya in nabad waarta loogu soo dabbaalo Qaza.
Wixii intaasi raaciyey inaynan ciidamadooda ka saari doonin Qaza ilaa iyo inta si buuxda hubka looga dhigaya ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Netanyahu ayaa xusay in ay sii wadi doonaan ka hor tagidda khatarrada ka dhanka ah ciidamadooda iyo shacabkooda.
Waxaa uu tilmaamay in ay arrintan kala hadlayaan Maraykanka.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa hoosta ka xarriiqay in ay jiraan fikrado ay aqbali karaan iyo kuwo aynan aqbali karin ayna garanayaan sida go’aan adag looga qaato arrimahan.
Bishii hore ayay ahayd markii Xamaas ay taageertay qorshaha nabadeed ee Qaza.
Hasa ahaate, ururkan iyo Aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaan weli jawaab degdeg ah ka bixin hadalka Netanyahu ee maanta.
Tan iyo bartamihii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxay Israa’iil dishay ugu yaraan 1,250 ruux halka la dhaawacay 4,120 kale .
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in sidoo kale in ka badan 800 oo meydad ah laga soo saaray burburka dhismooyinka.
Laga soo billaabo bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , tirada guud ee dadka lagu dilay Qaza ayaa ah ugu yaraan 73,300 iyadoo la dhaawacay 174,000 kale.




