Israel oo duqeyn ku dishay taliyihii booliska Gaza City

0
92

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza ayaa xaqiijisay in Colonel Jamal Abu Kamil, oo ahaa taliyihii booliska magaalada Gaza, lagu dilay duqeyn ay Israel ka geysatay galbeedka magaalada.
Wasaaraddu waxay sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Israel leedahay ay saddex gantaal ku dhufatay gaarigii uu watay Abu Kamil.
Duqeynta ayaa sidoo kale dhaawac culus ka soo gaarsiisay laba qof oo kale.
Abu Kamil oo 43 jir ahaa ayaa ka mid ahaa laba Falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarro Israel ay ka fulisay Gaza, sida ay sheegtay Reuters.
Sidoo kale, weerar ay Israel ka geysatay galbeedka Khan Younis ayaa lagu dilay hal qof, mid kalena lagu dhaawacay, halka duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay shalay ka fuliyeen Beit Lahiya, waqooyiga Gaza, lagu dhaawacay qof si daran.
Inkastoo xabbad-joojin dhaqan gashay 10-kii Oktoobar 2025, Israel ayaa weli si joogto ah duqeymo uga fulinaysa qeybo ka mid ah Gaza.