Israa’iil oo boqolaal qof ku dishay marinka Qaza

0
316

Ciidamada Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza maalin kadib markii ay dileen ugu yaraan 115 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 79 qof oo gar-gaar sugayaal ahaa xili ay ku sugnaayen isgoyska Zikim iyo 13 kale oo lagu dilay goobaha ay maamusho GHF.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku dhawaaqday in 19 qof ay u dhinteen gaajo 24-kii saac ee la soo dhaafay iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digayso in dhibaatada gaajada ee gobolka Qaza Falastiin ay gaartay “heer cusub oo quus ah”.