Ciidamada Israel ayaa 54 qof ku dilay Qaza waxayna burburiyeen xarunta kaliya ee bukaanada kelyaha sifeeya oo ku yaal waqooyiga Qasa.
Dhanka kale Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka ayaa dhaleeceeyay dilka ay Israa’iil u geysatay dad badan oo Falastiiniyiin ah oo gaajaysan oo cunto u doonanayay meel u dhow goobaha wax lagu qaybiyo oo ay dejisay Hay’adda Gargaarka Bani’aadamnimada ee Gaza ee uu Maraykanku taageero (GHF).