IPOA oo cambaareysay qarax ka dhacay Garissa

0
457

Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska wadanka ee IPOA ayaa si kulul u cambaareeyay weerar dhawaan ismaamulka Garissa lagula eegtay baabuur ay leeyihiin ciidamada ammaanka.
Guddoomiyaha IPOA ,Anne Makori ayaa bayaan ku sheegtay inay arrintan walaac ka muujinayaan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in baabuurka la bartilmaameedsaday ay adeegsanayeen saraakiisha ka howlgalo saldhigga booliiska ee Galmagalla oo ka tirsan deegaanka Fafi ee Garissa.
IPOA ayaa qoraalkeeda ku xustay in weerarkaasi ay ku dhinteen sarkaal amni iyo qof shacab ah.