Hub laga helay deegaanka Kapseret

0
296

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in howlgal laga sameeyay aagga loo yaqaano Kipkenyo ee deegaan baarlamaneedka Kapseret ee ismaamulka Uasin Gishu hub lagu soo helay.
Waxaa howlgalka fuliyay ciidamada saldhigga booliiska ee Simat.
Qoraalka NPS waxaa ku cad in howlgalka uu ahaa mid ku saleysan xog sirdoon oo la helay.
Saraakiisha oo baaritaano ka sameeyay guriyaha eedeysanayaal ayaa gacanta ku dhigay saddex tuhmane.
Waxyaabaha la soo qabtay waxaa ka mid ah qoryaha nooca loo yaqaano AK 47, taargada baabuurta , dareeska booliiska iyo dokumeentiyada gawaarida oo faalis ah.
Eedeysanayaasha ayaa hadda xabsi ku jiro oo baaritaano dheeraad ah maraya ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.