In ka badan 800 oo kalkaaliyeyaal caafimaad ah oo ka howlgala Isbitaalka Jaamacadda Kenyatta ee KUTRRH ayaa baajiyay shaqo-joojin ay qorsheynayeen, kaddib markii ay heshiis la gaareen maamulka isbitaalka oo ku saabsan hagaajinta xuquuqdooda iyo xaaladaha shaqo.
Xoghayaha Guud ee Ururka Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka iyo Umulisooyinka Kenya, Seth Panyako, ayaa ku dhawaaqay in ururku si rasmi ah oo shuruud la’aan ah uga laabtay ogeysiiskii shaqo-joojinta ee 21-ka maalmood ahaa.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ururka iyo maamulka isbitaalku ay kala saxiixdeen heshiiskii ugu horreeyay ee wadajirka ah ee shaqaalaha iyo maamulka, kaas oo loo yaqaan CBA, iyo heshiis is-afgarad.
Panyako oo Jimcihii, 6-dii November 2026, ka hadlayay xarunta isbitaalka ayaa sheegay in heshiiska cusub uu wax ka qabanayo dhammaan cabashooyinkii sababay hanjabaadda shaqo-joojinta, taasoo suuragelisay in adeegyada caafimaadku sii socdaan iyada oo aan hakad la gelin.
Heshiiska ayaa dhigaya in la kordhiyo gunnooyinka kalkaalinta caafimaadka, dharka shaqada iyo halista caafimaad, iyadoo sidoo kale la hagaajiyay xuquuqda fasaxyada shaqaalaha iyo lacagaha saacadaha dheeraadka ah ee shaqaalaha ku meel gaarka ah.
Sidoo kale, maamulka isbitaalka ayaa ballanqaaday inuu sanadkan maaliyadeed gudihiisa bixiyo lacagaha gunnooyinka shaqo ee ay xaqa u leeyihiin qaar ka mid ah kalkaaliyeyaasha caafimaadka.
Qodobada heshiiska waxaa ka mid ah in gunnada adeegga kalkaalinta caafimaadka laga kordhiyay 20 kun oo shilin Kenya ah lana gaarsiiyay 30 kun, gunnada dharka shaqada oo laga kordhiyay 10 kun lana gaarsiiyay 25 kun, halka gunnada halista caafimaadka laga kordhiyay 3,850 shilin lana gaarsiiyay 5 kun oo shilin Kenya ah.
Panyako ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah kalkaaliyeyaasha caafimaadka iyo umulisooyinka ka howlgala isbitaalka, isagoo sheegay inuu sidoo kale saldhig u noqon doono horumarinta xirfadaha shaqaalaha iyo dallacsiintooda.
Home Wararka Kenya In ka badan 800 kalkaaliye caafimaad oo ka tirsan isbitaalka Jaamacadda Kenyatta...




