Dowladda Britain ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay safarro aan daruuri ahayn ku tagaan magaalada Moyale ee ismaamulka Marsabit, kaddib markii ay sii kordheen iska horimaadyada ka dhacaya xadka Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca dhowr kale.
Digniintan la soo saaray ayaa dowladda Britain ku sheegtay in muwaadiniinteeda ay ka fogaadaan safarrada aan muhiimka ahayn ee magaalada Moyale, iyadoo sidoo kale ka digtay in qofkii safarka ku taga goobaha laga digay uu waayi karo caymiskiisa safarka.
Moyale ayaa qiyaastii 776 kiiloomitir u jirta magaalada Nairobi, waxaana xiisadaha ka taagan dowlad-deegaannada Oromia iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya ay sababeen barakaca kumannaan qof iyo hakad ku yimid dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee xuduudda.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in in ka badan 50 kun oo qof ay ka soo gudbeen xadka, iyagoo ka cararaya dagaallada ka socda Itoobiya.
Sidoo kale, qoysas Kenyan ah oo ku noolaa deegaannada xadka ayaa ku qasbanaaday inay ka barakacaan guryahooda, kaddib markii rasaas habow ah iyo gantaallo ay ku dhaceen dhinaca Kenya.
Kormeeraha guud ee booliska Kenya, Douglas Kanja, ayaa sheegay in laba haween ah, oo mid Kenyan ahayd midda kalena Itoobiyaan ahayd, ay ku dhinteen rasaas habow ah, halka dhowr qof oo kalena ay dhaawacmeen.
Dagaallada ayaa sidoo kale sababay yaraanta badeecooyinka daruuriga ah iyo koronto la’aan ka jirta magaalada Moyale, iyadoo qiimaha bariiska, saliidda cuntada iyo caanaha uu ku dhowaad laba jibbaarmay.
Warbixinnada ayaa sidoo kale sheegaya in dad badan ay ka barakacayaan Moyale una soo guurayaan Nairobi, iyadoo maalin kasta halkaasi ka baxaan ku dhowaad toban bas oo midkiiba qaado 62 rakaab ah.
Dhanka kale, Douglas Kanja oo 5-tii November booqday Moyale ayaa sheegay in dowladda Kenya ay xoojinayso amniga xuduudda, isla markaana ay halkaasi u dirayso ciidamo dheeraad ah si loo ilaaliyo shacabka.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda Kenya ay wada-hadallo kula jirto mas’uuliyiinta Itoobiya, si xal looga gaaro colaadda, loona fududeeyo dadka Kenyaanka ah ee ku xayiran dhinaca kale ee xuduudda.
Home Wararka Kenya Dowladda Britain oo muwaadiniinteeda uga digtay safarka magaalada Moyale ee xadka Kenya...




