DHEGEYSO:Dibadbaxayaal careysan oo xiray waddada isku xirta Lodwar iyo Kitale

0
84

Dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee waddada weyn ee isku xirta Lodwar iyo Kitale ayaa hakad galay muddo saacado ah kaddib markii dad careysan oo ka tirsan deegaanka Turkana ay dibadbaxyo ka dhigeen waddada.
Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanayay dilalka joogtada ah ee dadka iyo xatooyada xoolaha ee ka dhacaya ismaamulka, iyagoo dalbanayay in dowladda ay tallaabo degdeg ah ka qaaddo amni-darrada sii kordheysa ee deegaanka.