Ururka Maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa sheegay in in ka badan 2,000 oo carruur Falastiiniyiin ah ay ciidamada Israa’iil xireen tan iyo Oktoobar 2023, halka 350 carruur ahna lagu hayo xaalado adag.
Warbixin uu ururku soo saaray Arbacadii ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay carruurta Falastiiniyiinta u beegsanayaan tallaabooyin ka bilaabma cabsi-gelin iyo xarig, kuwaas oo gaara jirdil, gaajo lagu hayo iyo in loo diido daryeel caafimaad.
Ururku wuxuu sheegay in siyaasadda Israa’iil ee ah in dadka la xiro iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, isla markaana aan loo cayimin taariikhda la sii deynayo, ay tahay xadgudub kale oo carruurta ku reeba xaalad aan la ogeyn waxa ka dambeyn doona, kana hor istaaga xasilloonida qoyska iyo waxbarashada.
Ururka Maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay qaaddo tallaabooyin dhab ah oo lagu xaqiijinayo sii deynta carruurta sida aan sharciga waafaqsanayn loo xiray, laguna sameeyo baaritaanno, isla markaana la joojiyo jirdilka, gaajeysiinta iyo diidmada daaweynta caafimaad.




