ICRC oo ka digtay in nidaamka caafimaadka Yemen uu qarka u saaran yahay burbur, iyadoo dagaalladu sii xoogeysanayaan

0
65

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa ka digay in nidaamka caafimaadka Yemen, oo markii horeba ahaa mid jilicsan, uu wajahayo cadaadis sii kordhaya, iyadoo dagaallada xoogeysanaya ay isbitaallada ku soo qulqulayaan dad dhaawacmay oo sii badanaya.
War-saxaafadeed uu soo saaray, ICRC ayaa sheegay in xarumaha caafimaadka ee Marib, Taciz iyo deegaannada ku teedsan xeebaha Badda Cas ay qaadi la’yihiin culayska dhaawacyada ka dhashay dagaallada. Qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee ku yaalla jiidaha hore ee dagaalka ayaa hal toddobaad gudaheed qaabilay in ka badan 700 oo bukaan ah.
“Kooxaha daaweynta dhaawacyada culus waxay ku shaqeynayaan cadaadis aad u weyn,” ayuu yiri Feras Abusamra, isku-duwaha caafimaadka ee ICRC, isaga oo ka digay in xarumo caafimaad oo kooban ay awoodaan inay bixiyaan daryeel dhammaystiran oo loogu talagalay dhaawacyada culus, sababo la xiriira yaraanta agabka qalliinka, dawooyinka suuxinta, ogsijiinta iyo daawooyinka kale.
“Waxa aan ka walaacsannahay ayaa ah in awoodda nidaamka caafimaadka ee uu ku qaabili karo tiro badan oo dhaawacyo ah hal mar ay aad u xaddidan tahay,” ayay tiri Christine Cipolla, madaxa wafdiga ICRC ee Yemen.
Digniintan ayaa timid kaddib markii Wasaaradda Caafimaadka Yemen ay soo saartay digniin kale oo sheegaysa in isbitaallada magaalada Taciz ay halis ugu jiraan inay joojiyaan adeegyada aasaasiga ah, oo ay ku jiraan qalliinnada degdegga ah, daryeelka bukaannada xaaladdoodu aadka u liidato iyo sifeynta kelyaha, sababo la xiriira gabaabsiga agabka caafimaadka iyo shidaalka.