Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in sanadkan jaamacadaha dalka ay ku biiri doonaan ugu yaraan 1,400 oo ah ardayda dhameeyay dugsiyada sare ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu xusay in tiradan ay tahay midii ugu badnayd muddo 10 sano ah.
Ardaydan ayaa imtixaankii fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ka soo hooyay buunddada C+ iyo wax ka sarreeya.
Waxaa uu bogaadiyay dhammaan macallimiinta, waalidiinta iyo ardayda ka soo jeedo Mandera ee natiijooyinka wanaagsan helay.
Dhanka kale dowladda hoose ee ismaamulka Mandera ayaa bixisay lacag dhan 120 milyan oo shilin oo ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah looga bixinaya qarashaadka tacliinta ee dugsiyada sare , machadyada iyo jaamacadaha.




