Boqolkiiba 70 ee kenyaanka oo aan wax ka qaban falalka musuqmaasuqa

0
462

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in ku dhawaad boqolkiiba 70 ee shacabka la kulmo falalka wax isdabamarinta aynan joojin ama ka hor tagin.
Guddiga ayaa sheegay in xilliga doorashada guud ee bisha Siddeedaad , la doonayo in kenyaanka ay la dagaallamaan musuqmaasuqa iyagoo xilalka hoggaanka u dooranaya musharraxiin ka hufan lunsashada kheyraadka dadweynaha.
EACC ayaa intaasi ku dartay in dastuurka wadanka u degsan uu qofka muwaadinka ah siiyay door muhiim oo uu uga qayb qaadan karo geeddisocodka maamul wanaagga.
Waxaa uu guddigu xusay in iyadoo hay’adaha dowladda ay waajibaadkooda gudanayaan haddana in dadweynaha looga baahan yahay inay kaalintooda ka soo baxaan.