Ugu yaraan 116 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dalka Shiinaha gaar ahaan Waqooyiga Galbeed.
Tani ayaa timid ka dib markii uu halkaasi ku dhuftay dhulgariir cabirkiisu yahay 6.2.
Dhacdadan ayaa abaare saqdii dhexe ee xalay laga soo tabiyay gobolka Gansu.
Wakaaladda wararka ee Shiinaha ee Xinhua ayaa ku warramaysa in 397 qof oo dheeraad ah ay dhaawacmeen.
Sidoo kale waxaa dhulgariirka ku burburay in ka badan 4,700 oo guriyo ah.
Waxaa hakad galay adeegyada korontada iyo biyaha ee qaar ka mid ah tuulooyinka gobolkaasi hoos tago.
Waxaa hadda socdo howlaha samatabixinta iyadoo madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping uu ku baaqay in dadaallada la laba-jibbaaro.
Waxaa la howlgeliyay ku dhawaad 1,500 oo ah saraakiisha waaxda dab damiska halka ay heegan ku jiraan 1,500 kale.
Warbaahinta maxalliga ee Shiinaha ayaa ku warramaysa in ugu yaraan 300 oo ka mid ah saraakiisha amniga iyo militariga la abaabulay si ay uga qayb qaataan gurmadka loo fidinaya dadka uu saameeyay dhulgariirka.
Gobolka Gansu ee ay musiibadan ka dhacday ayaa waxaa ku nool 26 milyan oo qof.
Bishii Sagalaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ilaa 100 qof ay ku dhinteen dhulgariir saameeyay gobolka Sichuan ee Shiinaha.
Waxaa sanadkii 2008-dii isla gobolkaasi ka dhacay dhulgariir kale oo ay ku dhinteen ama lagu waayay in ka badan 87,000 oo qof oo ay ka mid ahaayeen 5,335 carruur ah.
Sanadkii 1976-dii , ugu yaraan 242,000 oo qof ayaa ku nafwaayay dhulgariir laga soo tabiyay magaalada Tangshan .




