Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Ismaaciil Baqaa’i, ayaa canbaareeyay hadallada Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, ee ku saabsanaa dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Tehraan, isagoo ku eedeeyay dowladdaha Yurub inay qayb firfircoon ka yihiin iskahorimaadkaas.
“Qiraalada soo laalaabtay ee Mark Rutte ee ku saabsan gacan-siinta bareerka ah ee Yurub ay ka gaysatay dagaalka gardarrada ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, waxay mar kale xaqiijinaysaa oo kaliya inaysan dhex-dhexaad ka ahayn gardarradan sharci darradda ah ee naxariis-darrada ah,” ayuu Baqaa’i ku qoray barta X.
Hadalka Baqaa’i ayaa yimid ka dib markii Rutte uu maalintii Arbacada taageeray weeraradii ugu dambeeyay ee Mareykanku ku qaaday Iiraan, isagoo sheegay inay ahaayeen kuwo gabi ahaanba lagama maarmaan ah.
Sidoo kale, wuxuu horay u sheegay in dalalka NATO ay Mareykanka siiyeen taageerada saadka intii uu socday dagaalkii bishii Maarso, isagoo xusay in 4,000 ilaa 5,000 oo diyaaradaha Mareykanka ah ay ka kaceen saldhigyo ku yaalla Yurub lixdii toddobaad ee ugu horreysay dagaalka.




