Nin 21 sano jir ah oo loo haysto dhac hubeysan kana baxsaday maxkamadda isagoo dhuumaaleysanayay ayaa waxaa gacanta ku dhigay dambi-baarayaasha magaalada Gaarisa.
Iyagoo ka duulaya xog sirdoon, dambi-baarayaashu waxay daba-galeen oo ku qabteen Hamza Cabdi Dagane deegaanka Bulla Medina ee magaalada Gaarisa, taasoo soo afjartay isku daygiisii uu uga baxsan lahaa caddaaladda.
Eedeysanaha waxa horyaalla laba dacwadood oo la xiriira dhac hubeysan oo ka socda Maxkamadaha Gaarisa, halkaas oo amar lagu soo xirayo laga soo saaray kaddib markii uu ka baaqday inuu maxkamadda kasoo muuqdo 29-kii June, 2026.
Waxaa la filayaa in maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka Luulyo, 2026, la horgeeyo maxkamadda si uu uga jawaabo eedaha loo haysto ee la xiriira dhac hubeysan.
Waaxda Dambi baarista DCI waxay weli ka go’an tahay inay daba-gasho, qabato, isla markaana maxkamad hor keento dadka isku daya inay ka baxsadaan nidaamka caddaaladda dembiyada si ay uga jawaabaan dambiyada lagu eedeeyay.




