Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha IEBC ayaa caddeeyay in muwaadiniinta Kenyanka ah ee isku diiwaangeliyay codbixiyeyaal ka hor sannadkii 2012 aan looga baahnayn inay markale is diiwaangeliyaan, ilaa ay noqdaan kuwa aan aan ku jirin diiwaanka hadda ee habka casriga biometric-ga ah ee la aasaasay sannadkaas.
Caddeyntan ayaa timid xilli ay jirtay jahawareer inta lagu guda jiray diwwangelinta socota ee Joogtada ah ee codbixiyeyaasha ee ECVR, taasoo loo qorsheeyay inay dalka oo dhan ka socoto ilaa 28-ka Abriil, 2026.
War qoraal ah oo uu guddigu soo saaray ayuu ku naqdiyay sheegashooyinka leh dhammaan codbixiyeyaashii ka horreeyay 2012 waa inay dib isu diiwaangeliyaan.
Hay’adda doorashada ayaa sharraxday in ka hor 2012, diiwaangelinta codbixiyeyaasha lagu samayn jiray hab gacan ah balse loo wareegay nidaamka biometric-ga ka dib markii lagu dhawaaqay Dastuurka Kenya ee 2010 iyo meelmarintii Sharciga Doorashooyinka.
Taasi awgeed, kaliya dadka is diiwaangeliyay ka hor 2012, isla markaana aan waligood isu soo bandhigin diiwaangelinta biometric-ga ayaa looga baahan yahay inay is diiwaangeliyaan markale.
Guddigu wuxuu xusay in diiwaanka biometric-ga ee hadda jira loo isticmaalay doorashooyinkii xigay, uuna yahay mid lagu kalsoonaan karo.
Caddeyntan ayaa timid xilli IEBC ay xoojisay hawsha diwaangelinta codbixiyaasha ee dalka oo dhan, taasoo laga fulinayo dhammaan 1,450-ka xaafadood ee Aqalka Wakiillada Gobolka, machadyada waxbarashada sare, Xarumaha Huduma, xafiisyada deegaan doorashada, iyo Xarunta adeegga Macmiilka ee Anniversary Towers.
Guddoomiyaha IEBC, Erastus Edung Ethekon, ayaa ku boorriyay codbixiyeyaasha u qalma inay ka faa’iideystaan maalmaha haray, isagoo xusay in Guddigu uu geeyay qalabka diiwaangelinta oo furan si ay muwaadiniintu meel kasta uga isaga diiwaangeliyaan iyagoon u safrin gobolladoodii hoose.
Sida uu sheegay Guddigu, Ila Abriil 2-da, wadar ahaan 344,316 codbixiyeyaal cusub la diiwaangeliyay, oo ay weheliyaan 18,610 qof oo beddeshay goobta codbixinta iyo 329 qof oo cusboonaysiiyay xogtooda codbixinta.
Guddigu wuxuu ka digay in hawsha aan la kordhin doonin wixii ka dambeeya kama dambaysta 28-ka Abriil, ka dib markii diiwaangelintu ay dib ugu laaban doonto xafiisyada deegaan doorashada. Waxaa haray kaliya 25 maalmood.
IEBC waxay si gaar ah u bartilmaamedsaneysa dhalinyarada, dadka markii ugu horreysay codeynaya, iyo kuwa laga yaabo inay seegtay diiwaangelinta biometric-ga tan iyo sanadkii 2012.
Hay’adda doorashada ayaa carrabka ku adkaysay in diiwaangelinta codbixiyayaashu ay tahay laf-dhabarta maamulka dimoqraadiga ah, iyadoo xustay in diiwaan lagu kalsoonaan karo oo cusub uu fure u yahay xaqiijinta hufnaanta iyo kalsoonida dadweynaha ka hor doorashada guud ee 2027.
Home Wararka Kenya IEBC oo Caddeysay shuruucda diiwaangelinta codbixiyeyaashii ka horreeyay 2012, xaqiijisayna inaan loo...




