Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa war aan sax ahayn oo bulshada lagu marin habaabinaya ku tilmaamay in sanadkii 2022-kii ay codeyn ka dhacday goobo aan jirin.
Tani ayaa timid ka dib markii qoraal sidatan sheegaya lagu faafiyay baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
IEBC ayaa bayaankeeda ku xustay in marka la jaangoynaya goobaha codbixinta ee dalka laga qayb geliyo saamileyda kala duwan sida xisbiyada siyaasadeed iyo xubnaha bulshada.
Guddiga ayaa hoosta ka xarriiqay in 2022-kii ay doorashooyinka ka dhaceen 46,229 oo ah goobaha codbixinta oo dhammaantood laga heli karo shabakadiisa rasmiga ah.