Hoggaamiyaha sare ee Iran oo amarro istiraatiiji ah siiyay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada dalkaasi

0
66

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa kulan la yeeshay saraakiisha sar-sare ee ciidamada qalabka sida ee dalkaasi, isaga oo siiyay amarro istiraatiiji ah.
War lagu baahiyay barta X ee hoggaamiyaha ayaa lagu xaqiijiyay kulanka dhacay Sabtidii, waxaana lagu sheegay in saraakiisha ciidamada la gaarsiiyay awaamiir muhiim ah oo la xiriira istiraatiijiyadda dalka.
Qoraalka ayaa intaas ku daray in awaamiirtaasi oo lagu tilmaamay kuwo muhiim ah oo istiraatiiji ah la shaacin doono waqti dhow.