Booliska dalkani Kenya ayaa hal qof ku xiray ismaamulka Kisumu, kaddib markii ay howlgal sirdoon ku saleysan ku qabteen gaari siday maandooriye la tuhunsan yahay inuu yahay xashiish.
Howlgalka ayaa dhacay , iyadoo darawalkii gaariga uu diiday inuu istaago markii boolisku amreen, isla markaana isku dayay inuu ka baxsado ciidamada.
Booliska ayaa rasaas ku dhuftay taayirka gaariga, taasoo keentay inuu istaago, hase yeeshee darawalkii ayaa ka baxsaday goobta, halka qofkii la socday gaariga la qabtay.
Markii gaariga la baaray, waxaa laga helay maandooriyaha oo ku jiray jawaano, culeyskiisuna gaarayay 282.55 kiiloogaraam.
Booliska ayaa sheegay in qofka la qabtay iyo maandooriyaha la soo helay lagu wareejiyay saldhigga booliska, halka ay socdaan dadaallo lagu raadinayo laguna soo qabanayo darawalkii baxsaday.
Ciidanka booliska ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah ka ganacsiga maandooriyaha, iyagoo shacabka ugu baaqay inay booliska ku wargeliyaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay uga shakiyaan falal sharci-darro ah.




