Hay’adda Laanqayrta Cas oo codsatay in la uruuriyo in ka badan 3 bilyan oo looga falcelinaya daadadka

0
311

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee (KRCS) oo kaashanaysa xiriirka caalamiga ee laanqayrta cas iyo ururrada bisha cas ayaa codsatay in la uruuriyo 18 milyan oo lacagta Switzerland ah una dhiganta 3.12 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayay hay’addu doonaysa in lagu kabo dadaallada looga falcelinaya saameynta ka dhalatay fatahaadaha wadanka ku dhuftay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaybo badan oo dalka ka mid ah ay weli ka da’ayaan roobabka culus ee El-Nino.
Madaxa wafdiga xiriirka caalamiga ee IFRC ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya , Maxamad Babiker ayaa sheegay inay xoogga saari doonaan sidii loo caawin lahaa dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay daadadka.
Xoghayaha Guud ee Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka Axmad Idriis ayaa dhankiisa sheegay in roobabka culus ee da’aya ay ku burbureen kaabayaal muhiim ah sida waddooyinka tani oo carqaladeysa kala gudbinta badeecooyinka.