Dowladda oo sheegtay in 2.4 bilyan lagu bixinaya gargaarka cunno ee ka dhanka ah daadadka

0
250

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay lacag dhan 2.4 bilyan oo shilin ku qarash gelinaysa in gargaar cunno la gaarsiiyo dadka ay saameyeen daadadka.
Madaxweynaha ayaa xusay in dhaqaalahan lagu taageeri doono barakacayaasha.
Waxaa uu kenyaanka u xaqiijiyay in dowladdu ay qaadaysa tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu yareynaya culeysyada ka dhashay roobabka weli da’aya.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu shalay guddoomiyay kulan degdeg ah oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta waaxyo kala duwan.
Kulankaasi ayaa looga arrinsanayay qaabka ugu wanaagsan ee looga falcelin karo daadadka.
Golaha wasiirrada ee dalka ayaa lagu wadaa inuu berri yeesho kulan degdeg ah oo ku aaddan maalgelinta dadaallada falcelineed ee dowladda.