Hay’adda HRW oo eedeyn u jeedisay dowladda Rwanda

0
300

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa dowladda dalka Rwanda ku eedeysay inay weerartay, dishay sidoo kalena ay gaysatay falal lagu waayay dad dhaliila maamulkaasi oo ku sugnaa qurbaha .
Hay’adda ayaa arrinkan shaaca uga qaadday warbixin cusub oo ay soo saartay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in aan caburinta lagu hayn keliya dadka dhaliila dowladda Rwanda ee ku nool gudaha wadankaasi.
HRW ayaa intaasi ku dartay inay wareysatay in ka badan 150 qof tan iyo sanadkii 2017-kii.
Warbixinta ayaa lagu diiwaangeliyay dhacdooyin kala duwan oo la xiriira dilal, afduub iyo jirdil.
Afhayeenka dowladda Rwanda Yolande Makolo oo ay arrintan wax ka waydiisay wakaaladda wararka ee AFP ayaa beenisay warbixinta hay’adda waxayna ku tilmaantay mid mala-awaal ah oo aan xaqiiqada jirta ku saleysnayn.