DHEGEYSO:Qoys ku nool Kisii oo dowladda ka codsaday inay ka caawiso helitaanka meydka wiilkooda oo la sheegay inuu ku dhintay dagaalka Ruushka

0
54

Qoys ku nool tuulada Nyamondo, deegaanka koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii, ayaa murugo ka muujiyay geerida wiilkooda oo 38 jir ahaa, kaas oo la sheegay inuu ku dhintay isagoo ka dagaallamaya jiidda hore ee dagaalka Ruushka.
Ninka la sheegay inuu dhintay oo lagu magacaabo Matiabe Onchari, ahna aabbe afar carruur ah, ayaa markii hore qoyskiisa ka tagay isaga oo shaqo u raadsanaya dalka Qatar, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in markii dambe lagu daray ciidamada milatariga Ruushka.
Qoyskiisa ayaa sheegay in muddo bilo ah aysan wax xiriir ah la sameyn, kaddibna ay heleen xog sheegaysa inuu dhintay bishii Febraayo ee sanadkan.
Si kastaba ha ahaatee, meydkiisa ayaan weli la helin, taasoo sii kordhisay walaaca iyo murugada qoyskiisa.
Qoyska ayaa dowladda Kenya ka codsaday inay soo farageliso, si loo ogaado halka uu ku sugan yahay meydka wiilkooda, loona helo xog rasmi ah oo ku saabsan geeridiisa.