Hal qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Kisumu

0
179

Siddeed tuhmane ayaa la xiray ka dib isku dhacyo ka dhacay Magaalada Kisumu kaasi oo sababay dhimashada hal qof, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, hantina ay ku burburtay, halka lix tuhmane oo kale ay ku jiraan xabsiga booliiska sababo la xiriira rabshado laga soo tabiyay isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay Magaalada Nyahururu.
War-saxaafadeed ay soo saareen, Adeegga Booliska Qaranka ayaa lagu cambaareeyay dhacdooyinkan iyagoo sheegay in baaritaannadu ay socdaan, waxayna ka digayaan in dhammaan kuwa lagu helo inay mas’uul ka yihiin lagu maxkamadeyn doono si waafaqsan sharciga.
Booliisku waxay sheegeen in iska hor imaadyo rabshado wata oo u dhexeeya laba kooxood oo iska soo horjeeda ay sababeen dhimashada hal qof, dhowr dhaawac ah, gubista sagaal mooto iyo burbur gaari booliis.
Dadaalo lagu aqoonsanayo laguna soo qabanayo shakhsiyaadka kale ee ku lugta leh ayaa socda.
Iyadoo cambaareyneysa rabshadaha ka dhacay Kisumu iyo Nyahururu, Adeegga Booliska Qaranka ayaa ku nuuxnuuxsaday in falalka noocaas ah ay wiiqayaan nidaamka dadweynaha, ay halis gelinayaan isku xirnaanta qaranka iyo inay ku xadgudbayaan xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta si ay si nabad ah isugu yimaadaan, si ay uga qayb qaataan hawlaha siyaasadeed.