Ururka Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa wada dadaallo lagu taageerayo qoysaska ka barakacay amni-darrada ka dhalatay colaadaha ka socda xuduudda, gaar ahaan deegaanka Moyale ee ismaamulka Marsabit.
Ururka ayaa sheegay in xarumaha adeegyada caafimaadku ay hadda ka shaqaynayaan dhammaan lixda xero ee ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah.
Shaqaalaha mutadawiciinta ah ee ururka ayaa sidoo kale baaritaanno nafaqo-darro ah ku samaynaya carruurta iyo hooyooyinka, si loo ogaado dadka u baahan daryeel dheeraad ah.
Waxaa intaas dheer in qoysaska ugu nugul la gaarsiinayo raashin nafaqo leh oo loo yaqaan Super Cereal, agabka guryaha iyo waxyaabaha nadaafadda, iyadoo sidoo kale la caawinayo qoysaska kala lumay inay dib isu helaan.
Home Wararka Kenya Laanqayrta Cas ee Kenya oo gargaar u fidinaysa qoysaska ka barakacay colaadaha...




