Guddoomiyihii dowladda dhexe ku matalayay Lamu oo geeriyooday

0
221

Waxaa geeriyooday guddoomiyihii dowladda dhexe ku matalayay ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta ,Louis Kipng’etich Ronoh .
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay geerida guddoomiyaha.
Waxaa uu sheegay inuu u tacsiyadeynaya qoyska, ehellada iyo asxaabta uu ka baxay Louis oo uu ku tilmaamay shakhsi muddo 28 sano ah qaranka ugu soo adeegayay si ay daacadnimo iyo waddaniyad ku dheehan tahay.
Guddoomiyihii amniga ee Lamu ayaa geeriyooday ka dib markii uu xanuunsaday wuxuuna wasiir Kindiki sheegay in mas’uulkan lagu xusuusan doono inuu saraakiisha ammaanka iyo sirdoonka ee dowlad deegaankaasi uu ku hoggaaminayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee keynta Boni.
Waxaa sidoo kale tacsi tani la mid ah diray xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo oo Rono ku tilmaamay shakhsi waajibaadkiisa uga soo bixi jiray si hufan.
Xoghayaha ayaa sheegay in guddoomiyihii Lamu ee geeriyooday ay ka go’nayd inuu si hagar la’aan ah ugu adeego dadweynaha.
Xildhibaanka deegaanka galbeedka Lamu ,Stanley Muthama ayaa dhankiisa xusay in Louis uu door wayn ku lahaa in bulshada laga qayb geliyo arrimaha ammaanka , xoojinta wadajirka iyo isdhexgalka rayidka.