Waxaa xilkii uu hayay laga xayuubiyay guddoomiyaha golaha wakiillada ee Maraykanka Kevin McCarthy.
Waxaa mooshinkan codkooda ku taageeray 216 wakiillo ah halka ay ka soo horjeesteen 210.
Mas’uulkan ayaa lagu eedeyay inuunan sida habboon uga soo bixin waajibaadkiisa oo uunan qaadan go’aammada laga doonayo marka laga doodaya arrimaha xasaasiga ah.
Waa markii ugu horreysay taariikhda Maraykanka oo xilka laga qaado guddoomiyaha golaha wakiillada .




