Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay WFP ayaa sheegay in saddex-meelood laba meel dadka ku nool Marinka Gaza ay weli la ildaran yihiin cunto yari daran.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in raashinkii la siin jiray dadka ay kala bar ka dhigtay. WFP ayaa intaa ku dartay in dhaqaale yari ay ku khasabtay inay gargaarka cuntada dhinto saddex-meelood meel, taas oo keeni doonta in 500,000 oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza ay waayaan gargaarkii ay heli jireen.
“Dadku ammaan ma aha. Duqeymaha cirka ayaa maalin kasta sii socda, dadkuna weli waa la barakicinayaa,” ayuu Shaun Hughes, oo ah madaxa WFP ee Gaza, u sheegay wakaaladda wararka AFP.
“Ku dhowaad qof kasta weli ma haysto guri joogto ah oo uu ku noolaado, xaaladaha bani’aadannimaduna aad bay u daran yihiin,” ayuu raaciyay.
Dhimista gargaarka ayaa ku soo beegmaysa xilli Israa’iil ay joojisay badeecadaha ganacsi ee la geyn jiray Marinka Gaza, taas oo sii adkaynaysa helitaanka raashinka iyo agabka aasaasiga ah ee ay dadka halkaasi ku nool u baahan yihiin.




