Gachagua oo sheegay inuu si habsami leh u socdo dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha

0
210

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay inay jiraan isbeddello la dareemay tan iyo markii la billaabay ololaha qaran ee ka dhanka ah maandooriyaha.
Waxaa uu madaxweynaha wadanka William Ruto ku bogaadiyay ugana mahadceliyay inuu go’aan adag oo geesinnimo ku saleysan ka qaatay isticmaalka iyo ka ganacsiga balwadda.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay howlgallada ay hoggaaminayaan isaga iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ay tahay mid lagu badbaadinayo mustaqbalka dhallinyarada.