Falastiin oo dalbatay in Israa’iil ay joojiso weerarrada Daanta Galbeed

0
316

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin qaybteeda Daanta Galbeed ee la haysto ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay qaaddo tallaabo lagu soo afjaraya duqeymaha ay Israa’iil halkaasi ka gaysanaysa.
Waxay wasaaraddu doonaysa in si gaar ah loo joojiyo bartilmaameedyada ka dhanka ah isbitaallada.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo tabiyay in ciidamada militariga ee Israa’iil ay weerareen isbitaal ku yaalla magaalada Nablus sidoo kalena ay xireen bukaan dhaawac ah.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku xusan in falkaasi uu si cad u baalmarsan yahay xeerarka caalamiga iyo heshiisyada qeexaya badbaadinta xarumaha caafimaadka iyo bukaannada.