Eedeysanayaal uu ka mid yahay sarkaal KDF oo loo haysto hub la xaday

0
271

Waxaa xabsiga ku jiro saddex qof oo kala ah labo rayid iyo sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ee loo haysto inay hub xadeen.
Dadkan ayaa lagu xiray xaafadda Windridge Chai ee deegaanka Juja.
Waxay ku eedeysan yihiin inay 25-kii bishii hore ay qof ka qaateen hub loo sharciyeeyay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kirinyaga.
Eedeysanayaasha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay William Kabuu Wageni oo 54 sano jir ah oo ka shaqeeya xerada militariga ee Kahawa Garrison, Salome Kimani iyo Benson Wanjau Wakiai .
Waxaa hadda socdo baaritaano dheeraad ah.