Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa dhammaan gaadiidleyda iyo kenyaanka kale ee waddooyinka adeegsada ugu baaqay inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka degsan ee waaxda taraafikada.
Guddiga ayaa xusay in tani ay xaqiijinaysa badqabka cid waliba.
EACC ayaa laga soo xigtay in gaadiidleyda gaar ahaan wadayaasha baabuurta dadweynaha ee (PSV) oo aan ilaalin xeerarkan inay sare u qaado falalka musuqmaasuqa maadaama ay isku dayaan inay laaluushaan saraakiisha u xil saaran fulinta xeerarkan.
Afhayeenka guddiga EACC Eric Ngumbi ayaa saraakiisha booliiska ku eedeyay inay laaluush waydiistaan wadayaasha baabuurta oo iyagana anshax xumadan qayb ka ah.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo sanadkan in ka badan 3,900 oo qof ay ku dhinteen shilal ka dhacay dalka sida laga soo xigtay wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka.
Guddiga EACC ayaa dadweynaha ku wargelisay in falalka musuqmaasuqa ee ay ka shakiyaan ay ku soo gudbin karaan nambarka bilaashka ee ah 1551.




