Marinka tareennada ee SGR oo la qorsheynaya in uu gaaro waddamada kale ee gobolka

0
381

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in madaxda Bariga iyo Bartamaha Afrika ay si wadajir ah codsi ugu gudbiyeen Shiinaha.
Waxay doonayaan in dowladda dalkaasi ay eegto sida ay suurtagal u tahay in la ballaariyo marinka casriga ee tareennada ee SGR-ka oo ku eg magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Madaxweynaha ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in codsigan hadda looga hadlaya magaalada Beijing.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mashruuca khadka tareennada lagu gaarsiinaya dalalka kale ee gobolka ay u badan tahay inay dhaqan geliyaan shirkadaha Shiinaha iyadoo loo maraya iskaashiga dowladaha iyo waaxyaha gaarka ah ee PPP.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in maadaama qaranka deymo lagu leeyahay inay go’aansadeen in aynan Shiinaha waydiisan amaah dheeraad ah.
Waxaa uu tilmaamay inay u bandhigeen in xukuumadda Beijing ay mashruucan dhanka gaadiidka ah maalgeliso wada hadalkaasina uu weli socdo.
Arrimaha kale ee laga wada hadlaya ayuu ku sheegay xilliga uu mashruucan billaaban doono iyo muddada ay qaadanaysa in la dhameystiro.
Madaxweyne William Ruto ayaa intaasi ku daray in horay uu qorshuhu ahaa in ballaarinta mashruuca SGR-ka ay iska kaashadaan dalalka Kenya iyo Uganda balse caqabado maaliyadeed oo jiro awgood inay codsi u gudbiyeen Shiinaha.
Dalalka kale ee mashruucan daneynaya ayaa kala ah DRC iyo Congo Brazaville .
Marinka casriga ee tareennada ee dalka oo isku xiro Nairobi -Naivasha ilaa Mombasa ayaa waxaa dhisay oo maalgeliyay Shiinaha wuxuuna shaqeynayay tan iyo sanadkii 2017-kii.
Adeeggan ayaa fududeeyay kala gudbinta badeecooyinka iyo bixinta adeegyada wuxuuna yareeyay qarashaadkii iyo waqtigii ku bixi jiray safarrada.