EACC oo la wareegaysa hantida madaxii hore ee maaliyadda ee Nairobi

0
244

Maxkamadda sare ee dalka ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC u oggolaatay inuu la wareego hanti uu qiimaheedu yahay 614 milyan oo shilin.
Waxaa hantidan leh madaxii hore ee waaxda maaliyadda ismaamulka Nairobi, Jimmy Mutuku Kiamba iyo xaaskiisa.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamadda sare , maxkamadda racfaanka iyo midda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ay isku waafaqeen in Kiamba uu wareejiyo hantidan oo la rumeysan yahay in uu ku helay qaab musuqmaasuq ah.
EACC ayaa hoosta ka xarriiqday in hantida ay la wareegaysa ay isugu jirto 7 dhismayaal oo ku kala yaalla xaafadaha Runda, South C iyo waddada Dennis Pritt Road ee ismaamulka Nairobi oo uu qiimahoodu kor u dhaafaya 500 oo milyan oo shilin.
Sidoo kale EACC ayaa Jimmy Mutuku Kiamba iyo xaaskiisa kala wareegaysa lacag dhan 113,893,743 oo shilin oo lagu kaydiyay akoonnada bangiyo kala duwan.
Kiamba oo caqabadaha uu wajahaya ay soo billowdeen sanadkii 2014-kii ayaan ku guulaysan inuu caddeeyo qaabka uu hantidan ku helay.
Intii uu hoggaaminayay waaxda maaliyadda ee caasimadda dalka ayaa lagu eedeyay inuu lunsaday lacagaha dadweynaha oo uu tabcaday hanti aan u dhigmin mushaarka uu qaadanayay muddo sanado ah.
EACC ayaa maxkamadda geysay dacwad ka dhan ah shakhsigan ka dib markii ay soo baxday inuu musuqmaasuq ka macaashay.