Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay wanaajinta daryeelka ciidamada qalabka sida ee wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dhaqaale ku bixin doonto sidii guriyo dheeraad ah loogu dhisi lahaa ciidamada difaaca qaranka ee (KDF) iyadoo loo maraya mashruuca guriyaha la awoodi karo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in wajiga koowaad ee barnaamijkan saraakiisha militariga loogu dhisi doono 10,000 oo guriyo ah.
Dhanka kale , madaxweyne William Ruto ayaa ballan qaaday in miisaaniyad loo qoondeyn doono sidii sanad kasta loo tababari lahaa ugu yaraan 200 oo ah duuliyeyaasha diyaaradaha militariga hawada ee KAF.
Qorshahan ayaa la billaabi doonaa sanadka 2025-ka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani looga gol-leeyahay xoojinta awoodaha ay ciidamadan u leeyihiin ka qayb qaadashada dadaallada amniga ee gobolka.
Arrimahan ayuu sheegay xilli shalay loo dabbaal degayay sanadguuradii 60-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ciidamada ilaallada hawada dalka ee (KAF) ee sanadkii 1964-tii.