Dowladda oo sheegtay in dadkii daadadka ku barakacay ay dib ugu laabteen guriyahooda

0
243

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in ugu yaraan 470,000 ruux oo ay barakaciyeen daadadka ka dhashay roobabka culus ee El-Nino ay guriyahooda ku laabteen.
Tani ayaa timid ka dib markii ay yaraadeen heerka biyaha fatahaadka.
Xarunta dhexe ee isku dubaridka falcelinta ka dhanka ah saameynta daadadka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hadda la xiray xerooyin gaarayay 51 oo hooy u ahaa barakacayaasha.
Xarunta ayaa hoosta ka xarriiqday in xerooyinkan ay ku jireen qoysas dhan 94,108 oo ku barakacay ismaamullada Mombasa, Wajeer, Kitui, Meru, Marsabit, Elgeyo Marakwet, Turkana, Narok, Nyandarua, Busia iyo Nairobi.
Sidoo kale waxaa bayaanka xaruntan ku cad in dhammaan waddooyinkii ay waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadda gaar ahaan kuwa gobollada Waqooyi Bari iyo Xeebta in la dayac tiray.
Hasa ahaate waxaa weli gaadiidleyda loogu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan marka ay ka howlgalayaan meelaha ay roobabka culus ka da’ayaan .