Dowladda oo qorsheynaysa in dhammaan ismaamullada laga hirgeliyo xarumaha dhaqancelinta

0
174

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay inuu jiro qorsho dowladeed oo 47-da ismaamul ee uu wadanku ka kooban yahay looga hirgelinaya xarumaha dhaqancelinta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sidoo kale lagu dadaalaya sidii goobahan loo qalabeyn lahaa.
Kindiki ayaa qoraal ku sheegay in dowladdu ay ilaa iyo hadda ku dhawaad 166 milyan oo shilin ku qarash gelisay dhisidda xarunta dhaqangelinta iyo daaweynta ee Miritini ee ismaamulka Mombasa.
Waxaa uu xusay in la rajeynaya inay 1.3 bilyan oo shilin ku baxdo dhameystirka xaruntan.
Wasiir Kindiki ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay barnaamijkan ay tahay in meesha laga saaro saameynta noocyada kala duwan ee maandooriyaha ee la qabatimay.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Taita Taveta ay xoogga saarayaan sidii xal waara loogu heli lahaa iskudhacyada soo noqnoqday ee u dhexeeya baniaadanka iyo duurjoogta.
Sidoo kale waxyaabaha xal loo raadinaya waxaa ka mid ah tabashooyinka la xiriira xuquuqda ka faa’iidaysiga macdanta ee dowlad deegaankaasi.
Wasiirka ayaa isticmaalka daroogada ku tilmaamay khatar wayn oo ka dhan ah amniga qaran iyo caafimaadka bulshada gaar ahaan gobolka Xeebta.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu saaka magaalada Voi ee ismaamulka Taita Taveta kulan kula qaatay madaxda waaxyaha ammaanka iyo laamaha qaabilsan dhaqangelinta xeerarka ee dowlad deegaankaasi.