5 qof oo u dhashay Shiinaha oo lagu dilay qarax ka dhacay Pakistan

0
211

Waxaa la xaqiijiyay in 5 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Shiinaha ay ku geeriyoodeen qarax ismiidaamin ah oo laga gaystay wadanka Pakistan.
Ciidamada booliiska ee Pakistan ayaa laga soo xigtay in qofkii weerarka gaystay uu baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa jiirsiiyay kolonyada injineerrada shiineeska oo ku sugnaa gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
Dhacdadan ayaa timid saacado un ka dib markii fallaagada Baloch Rebels ay weerartay saldhigga ciidamada badda.