Dowladda oo dhisi doonta 10 isbitaal oo casri ah oo qaabilsan hooyada iyo dhallaanka

0
185

Dowladda ayaa qorsheynaysa in ay dhisto 10 isbitaal oo casri ah oo loogu talagalay hooyada iyo dhallaanka, kuwaas oo laga hirgelin doono sagaal ismaamul iyadoo loo maraayo heshiis lagu qiimeeyay 4.5 bilyan oo shillinka dalka ah. Mashruucan ayaa lagu sheegay mid lagu yareynayo dhimashada hooyooyinka iyo dhallaanka dalka.
Dowladda ayaa iskaashi la gashay shirkadda AMSONS Group, taas oo ka qeyb qaadan doonta dhismaha isbitaalladan. Xaruumahan Caafimaad ayaa waxaa laga dhisi doonaa dowlad deegaanka Nairobi oo laga hirgelin doono laba xaruumood, Kwale, Kisumu, Uasin Gishu, West Pokot, Mombasa, Gaarisa, Embu iyo Nakuru, iyadoo xulashada ay ku saleysan tahay baahida caafimaad ee ismaamulladaas.
Isbitaalladan cusub ayaa lagu qalabeyn doonaa adeegyo muhiim ah sida qaybta uurka, daryeelka degdegga ee hooyada, qolalka dhalmada iyo soo kabashada, iyo laba qolalka qalliinka. AMSONS Group ayaa bixin doonta 250 sariirood, halka dowladda ay keeni doonto qalabka kale ee caafimaadka.
Madaxweyne William Ruto, ayaa sheegay in dowladda ay sidoo kale waddo qorshe lagu dhisayo 14 isbitaal oo dheeraad ah si loo ballaariyo adeegyada caafimaadka ee meelaha aan si ku filan u helin. Waxaa uu ku tilmaamay mashruucan mid muhiim ah oo lagu xoojinayo helitaanka adeeg caafimaad oo u dhow bulshada, gaar ahaan hooyooyinka iyo carruurta.